Maamulka degmadda Cadaado oo ka qayb galay dhagax dhigay Dugsiga Gabdhaha.

0
53

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiye ku-xigeenka degmada Cadaado, Cabdixakiin Maxamed Cali (Shilin), oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Galmudug, Mudane Maxamed Maxamuud Cilmi, ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay Dugsiga Gabdhaha ee degmada Cadaado.

Munaasabaddan muhiimka ah ayaa waxaa ka soo qayb galay: Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada, Madaxda maamulka degmada,
Ururka Haweenka degmada Cadaado,Iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here