Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Munaasabadda saxiixa heshiiska oo ka dhacday xarunta maamulka caasimadda Dhuusamareeb ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha degmada ahna Duqa Caasimadda, Mudane Abdirahmaan Cali Maxamed Geeda Qoroow, xubno ka tirsan golaha deegaanka, madaxa Mashruuca Nagaad,Abdulkadir carab iyo mas’uuliyiin ka socday Shirkadda Baruuj.
Guddoomiyaha Caasimadda, Mudane Abdirahmaan Geeda Qoroow, ayaa xusay in mashruucani yahay mid muhiim ah oo qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha ee caasimadda, gaar ahaan dhismaha laamiga oo door weyn ka qaadan doona isku xirka magaalooyinka Galmudug iyo fududeynta isu socodka bulshada. Waxa uu sidoo kale ku dhiirrigeliyay Shirkadda Baruuj inay si hufan u fuliso shaqada, iyada oo la waafajinayo tayada iyo waqtiga loogu talagalay.
Dhismaha laamigan ayaa la filayaa inuu sare u qaado horumarka iyo isku xirka magaalada, isagoo wax weyn ka tari doona koboca dhaqaalaha, fududeynta gaadiidka, iyo kor u qaadista bilicda caasimadda.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi