Dagaal beeleedyo ka dhacay duleedka Dhuusamareeb oo aawaamiir laga soo saaray

0
185

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Maamulka Casimadda Galmudug oo uu horkacayay Gudomiyaha maamulka Caasimada Abdirahman Geedaqorow oo ay wehliyaan taliyaha Booliska Dhusamareeb Dhamme Nuur Cilmi iyo qaar kamid ah dhaliyarada caasimadda ayaa kormeer wacyigalin ku tagay deegaano hoostaga magaalada Dhusamareeb oo shalay ay dhacday shaqaaqo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Wafdigaan oo u jeedkiisu ahaa in ay kormeeraan dhulkii dirirtu ka dhacday ayaa waxeey tageen deegaanii ay colaadu saameeysay sida Deegaanka Xananleeey, Garsaalo, Afweeyne-banaan, Mareergur iyo Bidhaan-dheere oo ahaa halkii lagu dagaalamay.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here