Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Gudoomiyaha Dhuusamareeb Cabdiraxman Cali Maxamed oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka degmada Cabdisamad Salaad Aadan, Xoghayaha Dowladda hoose, Taliska Booliiska Dhuusamareeb iyo qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha degaanka ayaa bilaabay olale lagu hagaajinayo laguna hirgelinayo naqshada caasimadda oo markan waxaaba maamulku bilaabay furista wadooyin waaaweeyn.
Gudoomiye Geeda-Qorow ayaa sheegay in maamulku si dhab ah u fulinayaan xiligaan waxii ka danbeeya naqshada magaalada si loo helo Dhuusamareeb qurxoon sida uu hadalka u dhigay duqa Caasimada.
Warkan waxaa soo jeedinaya.Liban Mohamed Abdi