Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Maamulka Iskuulka Liibaan , iyo waxgaradka Degmada Gadoon,Waalidiinta ardayda, ayaa si mug iyo miisaan leh u soo dhaweeyay waftiga balaaran oo u tagay ukuur galida xaaladaha waxbarashada iyagoo uga war bixiyay baahiyaha dhanka waxbarashadda ee ka jira Degmada iyo deegaanda la xiriira,waxayna ka codsadeen waftiga qaybihiisa gaar ahaan maamulka Caasimadda iyo wasaarada Waxbarashada Galmudug in ay ku gacan siiyaan wax ka qabashada baahiyaha kala duwan ee iskuulku qabo.
Guddoomiye ahna duqa Caasimadda Dhuusamareeb, ayaa mahadcellin iyo bogaadin kadib, ku amaanay Maamulka iskuulka Liibaan iyo bulshadda Gadoon, sida baaxada leh oo ay waxbarashada juhidiga ugu bixiyeen isagoo sidoo kale ku amaanay waxqabadka iyo kaallintooda ku aadan dhismaha iskuulka ay ku soo kordhiyeen muddo kooban.
Sidoo kale Xilibaanad cibaado iyo Wasiirka Dowlada wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Galmudug, Mudane Shariif Ali mohamud ayaa balan qaday in ay kashaqeeyn doonaan homartinta iskuulka Liibaan
Dowlada Galmudug ay u gudbin doonan baahiya wax barasho ee kajira iskuuulka Liibaan.
Warkan waxaa faah faahinaya:Liban Mohaned Abdi