Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Tartankaan kubada cagta ayaa waxaa taaba galiyey School-ka Rooyal Muslim Academy waxana ka qeyn galay qaar kamida kooxaha heerka 1aad ee Caasimada dowlad goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb waxana u jeedka ugu weyn ahay wacyi galinta Colaada iyo ka hortaga Maandooriyaha ee dhalinyarada.
Ciyaarta finalka waxaa u soo dawasho tagay masuuliyin ka tirsan maamulka xaasimada sida Guddoomiyaha Caasimadda Dhuusamarreeb mudane Cabdiraxman Cali Maxamed iyo madax kale.
Gudoomiyaha Dhuusamareeb ayaa u mahad celiyey School-ka Rooyal ee tartankan qabtay iyo Xiriirka kubada cagta Dhuusamareeb ee kaalinta ka qaatay qabashada tartankan.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor