Maamulka dhuusamareeb oo soo dhoweeyay odayaal ka qayb-galaya shir lagu heshiisiinayo Beelo walaalo ah.

0
66

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiyaha Degmada ahna Duqa Caasimada Mudane Abdirahamaan Ali mohamed geeda qoroow oo uu wehliyo Agaasimaha wasaarada caafimaadka galmudug iyo qaar kamid ah Agaasimayaasha maamulka caasimadda ayaa shir jaaraaid ku qabtay magalada dhuusamareeb halkaas uu kaga hadlay shirka dib u heshiisiin oo u dhaxeeya beelo walaalo ah oo ka dhacaya caasimadda Galmudug.

Shirkan oo u dhaxeeya labo beelood oo walaalo ah oo wada dega waqooyiga gobolka Galgaduud ayuu gudoomiyuhu marka koowaad kusoo dhaweeyay caasimada Wufuuudda beelahaasi, sidoo kale gudoomiyaha ayaa ugu baaqay Odayaasha, Cuqaasha, Culumada, Dhalinyarada iyo haweenka beelahaas in ay ilaaliyaan xeerka walaaltinimada ayna u qataan nabada si wada jir ah.

Warkan waxaa Faah faahinaya: Liban Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here