Maamulka Dhuusamareeb oo wacyi -galin ka sameeyay deegaanka Faragoy

0
91

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Gudoomiye ku xigeenka maamulka caasimadda galmudug Dr Cabdisamad Salaad Aadan oo ay wehliyeen Taliyaha Booliska Caasimadda iyo Madax kale oo ka socotay maamulka Degmada ayaw ka sameeyay Degaanka Faragooy oo hoostaga Degmada Dhuusamareeb wacyi gelin la xiriirta jarista dhirta iyo Gubista xaalufinta Degaanka

Gudoomiye Abdisamad oo goobta ka hadlay ayaa sharaxay muhiimadda dhirtu uleedahay degaanka iyo Qataraha ka dhalan kara jarista dhirta iyo Gubisteedaba sidoo kalana kula dardaarmay dadka Degaanka in ay laba jibaaraan dadaalkooda ku aadan ka hortagista jarista dhirta Gudoomiyaha ayaa sheegay in cidkasta oo lagu helo fal laxiriira arinka Xaalufinta degaanka iyo shidista dhuxusha uu maamulku ka qaadi doono tilaabo adag oo waafaqsan sharciga sidoo kalana wuxuu uga digay dadka jara dhirta in ay kawantoobaan.

Warbixintan waxaa faah faahinaya: Liban Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here