Maamulka Gaalkacyo oo ku baaqay in la caawiyo dad ku hanti beelay Dab ka kacay goobo ganacsi.

0
31

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Maamulka degmada Gaalkacyo ayaa bulshada reer Gaalkacyo ugu baaqay inay si degdeg ah uga qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo ganacsatadii ku hanti beelay dabkii dhawaan ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla wadada Astan Hobyo ee magaalada Gaalkacyo.

Gudoomiye ku xigeenka maamulka degmada Eng. Maxamed Cabdi Cilmi oo ay wehliyeen xubno ka tirsan Guddiga Ganacsatada, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka, Agaasimaha Waaxda Ganacsiga ee Dowladda Hoose, iyo Odayaasha Dhaqanka, ayaa lagu tagay goobihii uu dabka khasaaraha ka geystay, si loo qiimeeyo baaxadda waxyeellada.

Warkaan waxaa soo jeedineysa:Xamdi Diriye Cali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here