Maamulka Galmudug oo ballan-qaaday in uu Dhuusamareeb ka hirgelin doono Maktabad dadawayne

0
45

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Maamulka Galmudug ayaa markii ugu horraysay waxaa ay ballan-qaaday in ay Dhuusamareeb ka hirgelin doonaan Maktabad dadwayne taas oo bulshada caasimaddu ay ka heli karaan buugaagta si aqoontiida ay u kordiyaan sidoo kalena halkaas ay wax ugu akhristaan.

Maxamed Xaashi Dhoorre, Wasiirka wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee Galmudug oo ka qayb-galayay xiritaankii bandhigga buugaagta Galmudug oo Dhuusamareeb lagu soo gaba-gabeeyay ayaa waxaa uu tilmaamay in dowladda Dowladda Galmudug ay diyaar u tahay Maktabad dadwayne taas oo markii ugu horraysay ay dowladdu ku dhawaaqday.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdidahir Garad Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here