Maamulka Gobalka Mudug oo kulan laqaatay wafdi kasocday hay’adaha Qaramada Midoobay.

0
27

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Gudoomiye Dr Badal Sheekh Liibaan ayaa kulan gaar ah la qaatay Saraakiisha Ka socatay Hay’adda UNHCR isagoona kala hadlay Arimo la xariira Samafalka iyo Mashaariicda ee ay ka wadaan deegaanada Gobalka Mudug

Ugu Horeyn Gudoomiye ku xigeenka Gobalka Dr Badal ayaa uga warbixiyay saraakiisha ka socatay UNHCR arimaha Samafalka ee ka socda Guud ahaan Gobalka iyo sida loo maareeyo deeqaha ka imaanaya Hay’addaha kala duwan isagoo dhanka kalana ka warbixiyay caqabadaha jira ee la xariira Arimaha Samafalka iyo Mashaariicda oo uu xusay in aysan gaarsiisneyn heerkii loo baahnaa ayna codsanayaan in la sii laba laabo

Saraakiishii ka socatay Hay’addaha Qaramada Midoobay ayaa kulan kula qaatay xarunta Maamulka Gobalka Mudug qaar ka mida Odayaasha dhaqanka iyo Hogaanka ururada kala duwan ee Haweenka Gobalka Mudug kuwaas oo iyagana ay ka dhageeysteen xaaladaha ka jira Gobalka

Ugu danbeyn Saraakiishii ka socatay Hay’addaha Qaramada Midoobay ayaa uga Mahad celiyay maamulka Gobalka Mudug warbixinta ay la wadaageen iyagoona sheegay in xoogga ay saarayaan dardargalinta arimaha Samafalka iyo Horumarinta

Warkan waxaa soo jeedinaya:Liban Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here