Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye, ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay wadooyin casri ah oo interlock ah oo laga hirgelinayo degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.
Munaasabadda dhagax-dhigga, oo ay ka qeyb-galeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka, maamulka degmada, odayaasha dhaqanka iyo bulshada deegaanka, ayaa lagu muujiyay sida ay muhiim u tahay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo bilicda caasimadda.
Warkaan waxaa soo jeedinaya: Abdifitah Mohamed Ahmed