Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Xasan Maxamed Muungaab, ayaa si rasmi ah u daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe.
Waxaa imtixaankan u fariistay 41,639 arday, sida uu sheegay Agaasimaha Waaxda Waxbarashada ee Maamulka Gobolka Banaadir.
Guddoomiye Muungaab ayaa ardayda u rajeeyay guul iyo horumar, isagoo uga mahadceliyay dadaalka ay muujiyeen muddada waxbarashadooda.
Warkaan waxaa soo jeedinaya: Abdullahi Abdulkadir Nor