Maamulka Gobolka Banaadir oo Mugadisho ka daahfuray ollolaha qaliimada iyo daweynta caruurta

0
86

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daahfuray ollolaha qaliimada iyo daweynta caruurta ku dhalata daloolada wadnaha, kaasi oo ay iska kaashanayaan Hey’adda Samafalka ee Madaale Foundation iyo Isbitaalka taqasusiga ah ee Redsea.
Munaasabadda daahfurka ollolahan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Wasaarada Caafimaadka XFS Marwo Dr. Maryan Maxamed Xuseen, Guddoomiyaha Degmada Hodan, Maamulka Isbitaalka Redsea, Bahda Caafimaadka iyo qaar ka mid ah bukaanada ololahan lagu daaweyn doono.

Warkan waxaa soo jeedinaysa:Xamdi Diiriye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here