Maamulka Gobolka Hiiraan oo dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay Beledweyne

0
31

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirka Howlaha Guud ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Mohamed Hassan Bariise, ayaa si wadajir ah ula dhagax dhigay waddo laamiya oo cusub Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye, iyo Duqadda degmada Beledweyne, Nadar Tabaax Maalin.
Dhismaha waddadan oo muhiim u ah isku socodka bulshada iyo kobcinta ganacsiga magaalada ayaa waxaa maalgelinaya Bangiga Adduunka.

Wasiir Bariise ayaa xusay in mashruuca waddadani uu qayb ka yahay dadaallada dowlad goboleedka Hirshabelle ay ku horumarinayso kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada aas-aasiga ah, isagoo uga mahadceliyay Bangiga Adduunka taageerada ay siiyeen mashruucan muhiimka ah.

Warkan waxaa faah faahinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here