Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Maamulka Gobolka Mudug ayaa ku baaqay in la xoojiyo amniga xilli Galkacyo ay ka socdaan u diyaar garoowga munaasabadda Ciidul Fidriga.
Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug, Abdinasir Abdulkadir Abdulle, oo warbaahinta la hadlay, ayaa bulshada ugu baaqay inay inta ay joogaan maalmaha ciidda ilaaliso amniga, gaar ahaan carruurta. Isagoo sidoo kale laamaha amniga faray in ay adkeeyaan nabadgelyada shacabka iyo ilaalinta xasiloonida guud ee magaalada.
Warkan waxaa faah faahineysa:Hamdi Diriye Ali