Maamulka Guriceel oo ka qayb-galay munaasabad lagu furayay tartan Qur’aanka Kariimka ah.

0
46

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Maamulka Degmada Guriceel oo ay hor-kacayaan Guddoomiyaha Degmada Guriceel mudane Farah Abdi Mo’allim’ Guddoomiye ku xigeenka Degmada Shafi’i Jama’ Abdi iyo Xoghayaha Degmada Bashiir Maxammed Salaad ayaa ka qayb galay munaasabad lagu daah furayey tartan qur’aanka kariimka ah oo socon doona 15 ka danbe ee bisha barakaysan ee ramadan.

Tartankan oo la qabanayo sanadkii 3aad oo ay soo qaban-qaabisay jamciyadda horu-marinta qur’aanka ee Al-tibyaan ayaa ujeedkiisu yahay sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta qur’aan ee ardayda dugsiyada ee ku dhaqan Degmada Guriceel.
Guddoomiye Faarah oo ka hadlay munaasabadda ayaa tilmaamay in ku tartamidda qur’aanka ka Degmo ahaan ay dhiirri-gelinayaan soona dhowaynayaan.
Guddoomiyaha ayaana culimada tartankan howl-wadeennada ka ah u ballan-qaaday in maamulka degmadu uu taageero hiil iyo hoo’ba leh laga garab taaganaanayo inta ay hoowshan ku guda jiraan.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here