Maamulka Isbitaal Banaadir oo agab caafimaad lagu wareejiyay.

0
27

Hey’adda Disability Aid Foundation (DAF), oo wakiil ka ah Hay’adda ISLAMIC OASIS, ayaa deeq qalab caafimaad ah gaarsiisay Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Afar bilood ka hor, Hay’adda SoDMA ayaa hoggaamisay booqasho ay isbitaalka ku tageen madaxda Hay’adda Islamic OASIS iyo Hey’adda Gargaarka Naafada Soomaaliyeed, si ay u qiimeeyaan baahiyaha isbitaalka. Kadib daraasad lagu sameeyay duruufaha uu wajahayo isbitaalku, waxaa la isku raacay in la gaarsiiyo deeq qalab caafimaad ah.

Warkaan waxaa soo jeedinaya:Abdifitah Mohamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here