Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Munaasabadda wareejinta qalabkan ayaa waxaa si wadajir ah uga qeyb galay maamulka isbitaalka, mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Koonfur Galbeed, iyo Guddoomiyaha Maamulka Degmada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose waxaana qalabkan soo gaarsiiyay Wasaaradda Caafimaadka Dowladda K/Galbeed
Qalabkan caafimaad ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo adeegyada caafimaad ee isbitaalka, si sare loogu qaado tayada daryeelka bukaannada iyo guud ahaan adeegyada caafimaad ee Degmada iyo guud ahaan Gobolka oo baahi dhanka Adeega Caafimaadka ay ka jirto
Maamulka Isbitaalka degmada Marko ayaa nogaadiyay qalabkan lasoo gaarsiiyay iyagoo codsaday inay helaan tababarro dheeraad ah si’ay ugu shaqeeyaan bulshada qalabkan.
Warkan waxaa faah faahinaya: Abdidahir Garad Ali