Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Maamulka Isbitaalka Degmada Ufayn ee gobolka bari ayaa agab caafimaad oo kala duwan kala wareegay Ustaad Maxamed barre oo loosoo wakiishay agabka in uu gaarsiiyo isbitaalka iyada oo Agabka ay soo sadaqeysatay Aamina Cismaan Maxamed.
Waxa goob jog ahaa madasha lagu warejinayey qalabka maamulka isbitalka mas’uuliyiinta degmada iyo marti sharaf kale. Dr cabdulahi Mahad farax mamulaha isbitaalka degmada ufayn ee gobolka bari
iyo ustaad Mohamed Barre ayaa si wada jir ah uga hadla Agabka Caafimaad ee isbitaalka lagu wareejiya
Warkan waxaa soo jeedinaysa:-Sadio Abdulkadir Yusuf