Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Agaasimaha Isbitaalka guud ee Gobolka Galgaduud Dr-Abuukar Ali Farah oo warbixin ka bixiyay xaalada guud ee Cusbitaalka ayaa sheegay in wasaaradda Caafimaadka Galmudug markii ay ay la wareegtay mudo kahor ayaa soo kabasho balaaran ka sameeyay qaybaha adeeg bixinta ee Caafimaadka.
Dhanka kale Dr-Abuukar ayaa sheegay in culeys xoogan ka heysto shaqaalaha isbitaalka oo aan qaadan mushaar waxaana uu codsaday in laga tageero mushaarka shaqaalaha siyay sare ugu qadaan howsha ay bulshada u hayaan.
Warkan waxaa soo jeedinaya:Abdulahi Abdulkadir Nor