Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Caasimadda Dhuusamareeb, ahna kusimaha Guddoomiyaha degmada, Mudane Cabdisamad Salaad Aadan (Sanweyne), iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Galmudug ayaa ka qayb galay xafladda dhagax-dhigga ceel biyoodyo ay shirkadda Dhaqan-Kaabaka qodayso , deegaanka Bidhaan-dheere ee hoostaga Dhuusamareeb.
Munaasabaddan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb galay qaar ka mid ah wasiirrada dowladda Galmudug, xubno ka tirsan maamulka degmada oo uu ugu horeeyo xoghayaha dowladdahoose ee caasimadda, odayaasha dhaqanka, dhalinyaro, haween iyo qaybaha kala duwan ee bulshada caasimadda.
Warkan waxaa soo jeedinaysa: Hamdi Dirie Ali