Maamulka Magaalada Dhuusamareeb oo safar shaqo ku tagay deegaanno hoos yimaada Caasimadda Galmudug.

0
51
Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb ahna Duqa Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb mudane Cabdiraxman Cali Maxamed Geeda-qorow, ayaa maanta booqasho iyo safar shaqo oo ugu kuurgalayay xaaladaha nolol ee jira deegaanada hoosyimaada Caasimadda sida amniga, waxbarashada, caafimaadka iyo Iwm ayaa ku gaaray deegaanada kala ah Gadoon, Xun-dhurre, laas-ooy, mareer-gur iyo deegaano kale.
Guddoomiyaha maamulka Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb mudane Cabdiraxman Cali Maxamed Geeda-qorow, waxaa safarka ku wehliyay xildhibaanad Cibaado Yuusuf Axmed, qaar ka mida xubnaha golaha deegaanka Caasimadda iyo masuuliyiin kale.
Warkan waxaa soo jeedinaya:- Abdidahir Garad Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here