Maamulka xaafada Dayax Dhuusamareeb oo kubaaqay in dadka barakacayaasha ee dagan loo gurmado

0
68

Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)-Xilli marba marka kadanbaysa ay sii kordhayaan dadka barakacayaasha ah ee soogaaraya magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug kuwaa oo kasoo barakacaya saamaynta abaartu kuyeelatay dadka xoolodhaqatada ah ee kunool deegaanada hoosyimaada ayaa maamulka xaafada Dayax oo kamida xaafadaha ay kakoobantahay magaalad Dhuusamareeb ayaa kubaaqay in gurmad deg deg ah lala soogaaro dadka barakacayaasha ah ee soo gaaray xaafadaas.Axmedsiciid Maxamed oo ah gudoomiyaha xaafada Dayax iyo qaar kamida bulshada xaafada ayaa codsaday in dadka barakacyaasha ah iyo kuwa danyarta ee kunool loogurmado,gaar ahaan maamulka degmada ayay kacodsadeen in dadkaasi il gaara kuhayo
Abaarta kajirta deegaaanada kala gadisan ee Galmudug ayaa saamayn xoogan kuyeelatay xoolodhaqatada kuwaa oo qaar kood bilaabeen inay kasoo hayaamaan deegaanadii ay kunoolaayeen soona galaan magaalooyinka.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya- Bashir Mohamed Salad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here