Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Si looga hortago xaalufinta dhirta iyo nabaad guurka deegaanka oo muhiim u ah nolosha aadanaha maamulka degmada cadaado ayaa mamnuuc jarista iyo kaganacsiga dhuxusha waxowna maamulka kudhawaaqay in sida dadka amni darada kashaqeeya silamida loodagaalami doono dadka ku howlan xaalufinta deegaanka
Gudoomiye ku xigeenka maamulka degmada Cadaado Cabdixakiin Maxamed Cali -Shilin oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay go’aanka maamulka ee dadka ka ganacsada dhuxusha wuxuuna maamullada deegaanada ugu baaqay in ay soo gudbiyaan cidii lagu helo falkaan isla markaana ay sharciga horgayn doonaan.
Warkan waxaa faahfaahinaya:- Liban Mohamed Abdi