Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Galmudug ayaa magaalada Dhuusamareeb ka furtay madal muhiim ah oo looga hadlayo qorshaha dib-u-hishiisiinta qaran ee heer Galmudug. Madashan oo lagu falanqeynayo sidii loo horumarin lahaa nabadeynta iyo midnimada gobolka, ayaa muhiimad gaar ah siineysa sidii loo xoojin lahaa wada hadalka iyo isfahamka dhexmaraya bulshada iyo dowladda.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi