Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Wafdiga Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo sii wato safarka shaqo ee uu ku marayo degmooyinka iyo deegaanada goballada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan ayaa isku maray deegaanada Miir-taqwo iyo Biyo-cadde.
Socdaalka Madaxweynaha waxaa qeyb ka ah Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), xubno ka kala tirsan Golaha Wasiirrada Baarlamaanka, Guddoomiyayaasha Goballada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.
Warkan waxaa soo jeedinaya:Abdifitah Mohamed Ahmed