Madaxwayanaha dowlad goboleedka Galmudug oo kulan abaaraha looga hadlay laqaatay wakiilka QM ee Soomaaliya

0
32
Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)-Xilli abaar daran ay dalka kajirto taasi oo saamayn kuyeelatay nolosha dadka iyo duunyada gaar ahaan deegaanada dowlad goboleedka Galmudug ayaa madaxwaynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, waxa uu la kulmay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, James Swan.Madaxweynaha iyo Ergayga ayaa ka wada hadlay abaaraha dalka ku dhuftay iyo sida Qaramada Midoobay ay gacan uga gaysan lahayd arrimaha bini’aadanimada. Sidoo kale, madaxweynaha iyo Ergayga gaarka ah waxay kawada hadleen xoojinta amniga iyo xasiloonida deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.Ugu danbayn, madaxweynaha iyo Ergayga ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka iyo sida hormar looga samayn lahaa dowlad dhiska Soomaaliya.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya-Bashir Maxamed Salad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here