Madaxwaynaha DFS oo ka qayb-galay shir deg deg ah oo looga hadlayay xaaladda Dalka Congo

0
28

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb-galay Shir Madaxeedka 26-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC). Shirkan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xiisadda dagaal ee ka socota Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), halkaas oo xaalad dagaal oo sii xumaaneysa ay ka jirto.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qeyb ka ah shirka si uu u muujiyo walaaca uu ka qabo xaaladda DRC. Wuxuu ku booriyay dhinacyada is haya inay si shuruud la’aan ah u joojiyaan colaadda, ayna dib ugu laabtaan miiska wada-hadalka si loo helo xalkii loo baahnaa.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdidahir Garad Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here