Madaxwaynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo maanta soogaaray Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan oo sheegay in adeegyada horumarineed ee ay bulshadu ubaahantahay in si degdega looga hirgali doono degmadaas

0
37
Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)-Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan iyadoona si wayn loogu soo dhoweeyay Degmada Matabaan Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ka koobnaa Wasiirro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale waxaa degmada kusoo dhoweeyay Maamulka Degmada, Saraakiisha Hay’addaha Amaanka, Waxgaradka, iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweynaha ayaa Maamulka iyo bulshada Matabaan uga mahadceliyay soo dhoweynta balaaran ee ay u sameeyeen waxa uuna sheegay in dowladda Hirshabeelle ay ka shaqeyn doonto adeegyada horumarineed ee degmada Matabaan.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya-Cabdidaahir Garaad Cali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here