Madaxwaynaha Galmudug oo dhagax dhigay waddada isku xirta Guriceel iyo Dhuusamareeb

0
5

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa Dhagax dhigay dib u dhiska Waddada laamiga ah ee isku xirta degmada Guriceel iyo caasimadda Dowladda Galmudug ee Dhuusamareeb, taasi oo lagu dhisayo iskaashiga Dowladda iyo Shacabka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay shaqada dib u dhiska Waddadu ay ku billaabaneyso sida ugu dhaqsaha badan, isla markaana dowladdu ay diyaarisay qalabkii lagu dhisi lahaa, iyadoo u kaashan doonta dhismaha waddada guud ahaan bulshada Galmudug.

Warkaan waxaa soo jeedinaya:  Abdullahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here