Madaxwaynaha Galmudug oo Dhuusamareeb ku soo xiray shir lagu heshiisiinayay beelo ku dagaallamay deegaanno ka tirsan gobolka Galguduud.

0
31

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), ayaa soo xiray shir dib-u-heshiisiin ah oo ka socday magaalada Dhuusamarreeb, caasimadda Galmudug. Shirkan ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu xalliyo khilaafyo iyo colaado dhowaanahan ka dhex jiray beelo walaalo ah oo wada dega deegaanno ka tirsan maamulka Galmudug.

Shirkan oo socday muddo maalmo ah ayaa lagu martigeliyay odayaasha dhaqanka, waxgaradka, haweenka iyo dhalinyarada beelaha ay dirirtu dhexmartay, iyadoo ay ka qeyb qaateen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Galmudug iyo xubno ka socda hay’adaha amniga iyo arrimaha bulshada.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here