Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa qasriga madaxtootayada ku qaabilay siihayaha madaxa xafiiska Qarammada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo howlo shaqo u yimid Galmudug.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, amniga iyo la dagaalanka Khawqarijta, Dastuurka iyo doorashooyinka dalka iyo howlaha ay hay’adaha qarramada Midoobay ka wadaan deegaannada Galmudug.
Warkan waxaa faah faahinaya: Abdidahir Garad Ali