Madaxwaynaha Galmudug oo Dhuusamareeb uga qayb galay xuska 1-Luuliuo.

0
10

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa magaalada Dhuusamareeb, oo ah caasimadda Galmudug, kaga qayb galay munaasabadda xuska maalinta 1-da Luulyo, oo ku beegan sanad-guuradii 65-aad ee kasoo wareegtay xorriyaddii gobollada koonfureed ee dalka, iyo midowgii taariikhiga ahaa ee ay la midoobeen gobolladii waqooyi, si loo dhiso Qaran Soomaaliyeed oo mideysan.

Munaasabaddan ayaa si weyn loogu xusay magaalada Dhuusamareeb, iyadoo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowlad-goboleedka, odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah, iyo boqolaal shacab ah oo muujinayay dareenkooda waddaniyadeed iyo xushmadda ay u hayaan maalinta xorriyadda iyo midnimada Soomaaliyeed.

Waxaa Qodobkaan soo jeedinaya: Cabdulaahi Cabdulqaadir Nuur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here