Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa maanta qasriga madaxtooyada ee magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Kristen Young, oo ah madaxa xuquuqul insaanka ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxeysa Galmudug iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada la xiriira ilaalinta xuquuqul insaanka, taageerada bulshada nugul, iyo horumarinta barnaamijyada xuquuqda aadanaha ee heer gobol iyo heer qaran.
Warkan waxaa soo jeedineya:Abdidahir Garaad Ali