Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Ali Abdullahi Xuseen Guudlaawe iyo wafdigiisa oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa degmada Matabaan ayaa manta waxa ay safar ku tageen degmada Gerijiri ee Gobolka Hiiraan.
Shacabka Degmadan oo shalay Golaha wasiirrada Hirshabeelle ansixiyeen degmanimadeeda ayaa siwayn usoo dhoweeyay madaxwaynaha iyo wafdigiisa.
Ugu horrayn Guddoomiyaasha degmooyinka Matabaan iyo Gerijir ayaa soo dhowaynta hadal ka jeediyay. Waxaa ayna maamulka Hirshabeelle uga mahad celiyeen in ay Gerijir kamid noqoto degmooyinka maamulka Hirshabeelle.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdidahir Garad Ali