Madaxwayne ku xigeenka Galmudug oo Dhuusamareeb ku qabilay wafti ka socoday Qaramada midoobay.

0
58

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Madaxwayne ku xigeenka dowladda galmudug mudane Ali Dahir Eid ayaa maanta madaxtooyada ku qabilay wafti ka socoday Hay’ada Qaxootiga ee UNHCR.

Kulankan oo ay Goobjoog ahaayeen Wasiirada Arimaha Gudaha iyo Warfaafinta Dowaladda galmudug ayaa looga hadlay Arimo badan oo kusaabsan shaqooyinka kasocda Galmudug

Madaxweynaha iyo Wafdiga UN ka ayaa ka wada hadlay Iskaashi iyo wada shaqeeynta dowladda galmudug iyo UNHCR iyo sidi ay Xafiis Madaxbanaan uga furan lahayeen Galmudug.

Dhanka Kale Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay Mashaaricda UNHCR ay ka fulisay Dagmoyinka Galmudug iyo kuwa hada wadada ku so jira.

 

Warkan waxaa soo jeedinaya:Libaan Mohamed Ahmed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here