Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxweynaha dowladda Galmudug mudane Ahmed Abdi Kaarie ayaa dhagax dhigay dhismaha cusub ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib uheshiisiinta Galmudug.
Munaasabada dhagax-dhiga ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Wasaaradda arimaha Gudaha Federalka, wasiir kuxigeenka wasaarada arimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta galwasiir dowladaha wasaradda Arimaha Gudaha Galmudug iyo masuuliyiin kale. Kuwaas oo kasooqayb galay dhagax dhiga xarunta wasaarada arimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Galmudug.
Liibaan Mohamed Abdi ayaa warkan soo jeedinaya: