Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxweynaha Dowladd goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo hoggaaminaya wafdi sare ayaa gaaray Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug. Wafdiga madaxweynaha ayaa ka kooban xildhibaannada labada aqal ee BFS lagana soo doorto Galmudug, mudanayaal ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug, ganacsato iyo siyaasiyiin iyo qaybaha kale ee bulshada.
Ujeedka safarka madaxweynaha iyo wafidigiisa ayaa ah dhammeystirka dadaallo muddooyinkii dambe uu waday hoggaanka sare ee Dowladda Galmudug iyo ganacsato ee ku aaddanaa ballaarinta iyo dib u casriyeynta Dekadda Hobyo.
Warkan waxaa faah faahinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor