Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), ayaa bulshada ku dhaqan deegaanada Galmudug ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabadda, midnimada, iyo wadajirka ummadda. Madaxweynaha ayaa sheegay in horumarka laga gaarayo amniga iyo dhismaha dowlada uu ku xiranyahay doorka ay bulshada ka qaadato nabadeynta iyo iskaashi buuxa oo dhex mara shacabka iyo dowladdu.
waxaa warkan soo jeedinaya:Liban Mohamed Abdi