Madaxweynaha Galmudug oo daah-furay mashruuc logu hormarinayo Caafimaadka deganada Galmudug.

0
102

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Madaxweyanaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Ahmed Abdi Kaariye Qoor Qoor ayaa daahfurayo mashruuca caafimaadka Better Lives waxana mashruucan uu ka shaqeyn doona degaano badan oo Galmudug ka tirsan.
Mashruuca Better Lives ayaa bedelay mashruuc dhawaan ka dhamaaday deganadq Galmudug ee Shine project kaas oo ay maalgelineyso hay’adda UNICEF hirgelintiisana leedahay Hay’adda Mercy USA.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr. Yaasin Cabdi Jaamac ayaa xog kooban ka bixiyey xaaladda caafimaad ee Galmudug asigoo xusay safaradiisi ugu dambeeyey ee uu kusoo indha indheeyey duruufaha caafimaad ee ka jira deeganaada uu booqday kuwaas oo qaarkood mashruucaan ka faa’ideysa doonaan.
Madaxweynaha Dowladd goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo mashruuca si toos ah u daahfuray ayaa ugu horeyn u mahadceliyey Dowladda Ingiriiska iyo hay’adaha UNICEF iyo Mercy USA kuwaas oo iska kaashaday maalgelinta iyo hirgelinta mashruuca Better Lives. Madaxweynaha ayaa sidookale tilmaamay in ay wali baahiyaha caafimaadku yihiin kuwo ka jira deganada Galmudug.

Warbixintan waxaa faah faahinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here