Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Madaxweynah Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo safar shaqo maalmahaan ku joogay Gaalkacyo ayaa dhagax dhigay Dhismaha Sedex waddo oo laamiya oo laga hirgelinayo magaladaas.
wadooyinkaas ayaana kala ah wadada Astaan Hobyo , Astaan Golol iyo Wadada Cabdullaahi Ciise , waxaana Mashruuca Dhismaha Wadooyinkaan tabarucaadda Mashruuca Talowadaag iyo qaaraanka bulshada lagu dhisayo sidoo kale dhaqaale hor leh ku dartay Dowladda Galmudug sida uu Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ka sheegay munaasabadda dhagax dhigga sedexda waddo.
Warbixintan waxaa faah faahinaya:Libaan Mohamed Abdi