Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), ayaa galabta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee isbitaalka guud ee gobolka Galgaduud, kaas oo laga hirgelinayo magaalada Dhuusamareeb.
Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Galmudug, saraakiil ka socotay wasaaradda caafimaadka, odayaal dhaqameed, haween, dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada dhuusamareeb
Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in mashruucani uu qeyb ka yahay dadaallada maamulka ee ku aaddan horumarinta adeegyada caafimaad iyo dhismaha kaabeyaasha nololeed ee bulshada. Waxa uu xusay in dowladda Galmudug ay ka go’an tahay inay sare u qaaddo tayada adeegyada ay bulshada u hayso, gaar ahaan caafimaadka iyo waxbarashada.
Warkaan waxaa soo jeedineya:liibaan maxamad cabdi