Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa daah-furay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee ka bilaabmaya deegaanada Galmudug.
Munaasabadda ayaa ka dhacday magaalada Dhuusamarreeb, waxaana kasoo qeyb galay xubno ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka, wakiillo ka socday Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo qaybaha bulshada.
Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay ololaha diiwaangelinta mid muhiim u ah hirgelinta nidaamka dimuqraadiga ah iyo ka qeybgalka shacabka ee doorashooyinka la filayo.
Guddiga doorashooyinka ayaa dhankooda ballanqaaday in hannaanka diiwaangelintu noqdo mid hufan oo loo siman yahay.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor