Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa dhagax dhigay Xarunta Dhalinyarada Galmudug oo laga dhisi doono caasimadda Dhusamareeb ee Galmudug.
Xaruntaan ayaa waxaa hirgalinaya Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Galmudug, iyadoona ay maalgaliyeen Midowga Yurub iyo Hay’adda UNFPA.
Goobta dhagax-dhiga waxaa ka qeybgalay masuuliyin ka tirsan labada gole, maamulka caasimadda iyo xubno kale.
Warkan waxaa soo jeedineysa:-Hamdi Diriye Ali