Madaxweynaha Galmudug oo gogol nabadeed dhigay degmada Galiinsoor ee Gobalka Galgaduud.

0
50

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, oo safar nabadeed ku tagay degmada Gallinsoor ee gobolka Galguduud. ayaa halkaasi kaga dhawaaqay gogol nabadeed oo lagu doonayo in lagu xalliyo colaadaha sokeeye, laguna heshiisiiyo beelaha walaalaha ah ee deriska ah.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa carrabka ku adkeeyay in Galmudug ay si dhab ah uga go’an tahay xakamaynta colaadaha iyo sidii loo xaqiijin lahaa nabad waarta. Waxa uu sidoo kale ammaanay hoggaanka dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka sida ay uga go’antahay dib u heshiisiinta, nabadda iyo horumarinta bulshada.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ku boorriyay dhammaan dhinacyada ay colaaduhu saameeyeen in ay ka faa’iidaystaan gogosha nabadda si loo helo mustaqbal nabdoon oo waara.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here