Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa kulan sagootin ah la yeeshay Madaxa Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya, Marwo Wafaa Al-Fadil, oo dhamaystay muddadii ay ku shaqaynaysay gudaha dalka.
Kulankan oo ka dhacay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu muujiyey mahadcelin iyo qadarin ballaaran oo ku aaddan doorkii muhiimka ahaa ee Marwo Wafaa Al-Fadil ka qaadatay mashaariicda horumarineed ee UNICEF ka fulisay Galmudug, gaar ahaan dhanka caafimaadka, waxbarashada.
Warkaan waxaa soo jeedinaya: Abdullahi Abdulkadir Nor