Madaxweynaha Galmudug oo Munaasabad soo dhaweyn ah u sameeyay Macalimiinta deeganada Galmudug.

0
7

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxweynaha Dowladd goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), ayaa xalay casho sharaf iyo soo dhaweyn rasmi ah u sameeyay macallimiinta wax ka dhiga dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ee deegaannada Galmudug.

Munaasabaddan ayaa ka dhacday Aqalka Madaxtooyada Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb,Waxaa ka soo qeyb galay in ka badan 600 oo macallimiin ah oo ka kala yimid dhammaan gobollada Galmudug, kuwaasoo ka tirsan xarumaha waxbarasho ee heerarka kala duwan. Sidoo kale, munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug, Senataro ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS), iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here