Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa soo xiray gogosha tacsida ee Allaha u raxmadee Ugaas Cabdi-Daahir Ugaas Nuur, taasoo maalmahii lasoo dhaafay ka socotay magaalada Muqdisho. Ugaas Cabdi-Daahir wuxuu ka mid ahaa madaxda dhaqanka Soomaaliyeed ee muhiimka ahaa, waxaana ka qaybgalay dad badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed, iyadoo tacsidani ay ahayd mid muujinaysa xushmad iyo tixgelin uu bulshada u hayay Ugaaska.
Warkaan waxaa soo jeedinaya:Liban Mohamed Abdi