Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxwaynaha Dowladda Galmudug Mudane: Axmed Cabdi Kaariye ayaa soo xiray shirka iskuxirka iyo xiriirinta Arrimaha Dowladaha Hoose kaas oo kasocday magaalada dhusamareeb ee caasimada Galmudug 2badii maalin ee lasoo dhaafay.Madaxwaynaha ayaa ka qaybgalayaasha shirka ku booriyay in la xoojiyo Hanaanka Hormarinta iyo isku xirka dowladaha hoose wuxuuna xusay in Galmudug juhdi badan galisay Hormarinta Dowladaha hoose Mudadi lasoo dhaafay taas oo Hadaba laga arko sida ay tayo ahaan iyo adeeg ahaanba u xooganyihiin Maamulada Dowladaha hoose.
Warkaan waxaa soo jeedinaya: Abdifitah Mohamed Ahmed.